Sawirro:-Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Roma

0
Tuesday November 20, 2018 - 10:14:30 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 208
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:-Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Roma

    Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen mas'uuliyiin ka tirsan dawladda Talyaaniga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen mas'uuliyiin ka tirsan dawladda Talyaaniga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa marka uu gaaray magaalada Roma ka mahad celiyay sida loo soo dhaweeyay wuxuuna sheegay in Booqasho Labo Maalin ah uu ku joogayo Dalkaasi.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Dalka ayaa sidoo kale sheegay in Madaxda dalkaasi uu la kulmi doono inta halkaasi uu joogo,iyagoo kawada hadli doono sidii loo sii xoojin lahaa Iskaashiga Labada Dowladood oo xiriir soo jireen ah uu u dhaxeeyo.

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa oo ay qeyb ka yihiin mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha dawladda ayaa sidoo kale la kulmi doona Jaaliyadda Soomaalida ee Dalka Talyaaniga.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip